Qarax miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Qarax miino ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Ex-control Balcad gaar ahaan ka soo horjeedka warshadii hore ee Baastada.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inay arkeen qaraxa kadib uuro iyo qaac cirka isku shareeray.
Qaraxan oo si weyn looga maqlay xaafadaha aaggaasi ayaa ilaa hadda aanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iyo cida lala bartilmaameedsaday.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen wax yar kahor qaraxa inta uusan dhicin inay halkaasi mareen kolonyo ka tirsan AMISOM.
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay halkaasi oo ay ka wadaan baaritaano ku aadan qaraxan dhacay.
Inta badan wadadan qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa isticmaala oo mara ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.