Soomaaliya Oo Xarunta Qaramada Midoobey Ku Saxeexday Qaraar Muhiim u Ah Naafada

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa talaadadii xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York ku Saxeexday qaraarka Qaramada Midoobey ee dhowrista Xuquuqda Naafada.

 

Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 178aad ee saxiixa xeerkan dhowraya xuquuqda  Naafada, arrinkaas oo ahmiyadiisa ay ka hadashay dowladda.

 

Qoraal yar oo ka soo baxay dowladda federaalka, waxaa lagu sheegay “ dowladda Soomaaliya, waxaa ay u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafadaha ah”.

 

June 28, 208: Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker