Madaxweyne Muusow,,, Kacdoon Beeleysan Shacab Ka fogow ”
Dadkeenu waa ul iyo diir
Dan wadaagta dhaqan yahan
Gacal iyo Sookeye ah
Caynkaynu ku ogeyn
Daaqsiin iyo xoolaha
Derbi gaar ah kala xidhin
Duugsi nabadu ay tahay
Dawo qaran waxay tahay
Dowladnimo Dareen badan
Shacabkoo daryeel hela
Gacalkoo kala dilin
Dano gooni loo deyin
Taajirku Dilaal noqon
Dibin dabyo laga dii’do
Bulshadeena kala geyn
Dan wadaagta dhaqan yahan
Gacal iyo Sookeye ah
Caynkaynu ku ogeyn
Daaqsiin iyo xoolaha
Derbi gaar ah kala xidhin
Duugsi nabadu ay tahay
Dawo qaran waxay tahay
Dowladnimo Dareen badan
Shacabkoo daryeel hela
Gacalkoo kala dilin
Dano gooni loo deyin
Taajirku Dilaal noqon
Dibin dabyo laga dii’do
Bulshadeena kala geyn
Daadka waa la’ moosa
Anigu haddaan madaxweyne Muuse Bixii Cabdi ahaan lahaa asxaabta mucaaridka xilalka sare-sare qaranka wax kasiin lahaa lana yeelan lahaa wadatashi joogta ah.
Jabhada Korneyl Caarree wada hadal u furi lahaa ergo miisaan leh oo xul ah ka tirsan Xisbiyada qaranka madax dhaqameed u diri lahaa.
Fikrada ah laysku joojin maayo waa nidaam keli talisnimo madax adeyg macaangegnimo ka muuqato.
Aan dan u ahayn qarankeena curdinka ah oo leh cadow faro badan. Laga faa’iideysan karo adeegsan karo qurbejoog iyo qol-qol joogba.
Dalka iyo dadka madaxweyen Muuse Bixii midee Taariikhdii iyo dhaxalkii (legacygii) Madaxweyne Xaji Axmed Siilanyo godmadow haku ridin.
Talo waxaan usoo jeedinayaa kooxaha hubeysan qurbejoogu maalgeliyo iyo cadow liid ku ah isku duunbida wadajirka dimoqraadiyadda Somaliland dalkeena iyo dadkiina u tudha qaxoontii shacabkeenu ma qaadii karo maanta.
Cali C/laahi Ismaciil Dheeg
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid
Wales, UK.