“Caga-baruur bay U Badan Yihiin Wasiirradu…” Madax-Dhaqameed La Kaftamay Wefti Xukuumadda Ah
Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, Qorshaynta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Biyaha iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Xukuumadda Somaliland, ayaa doraad socdaal ku soo maray Degmooyin ka mid ah Gobolka Hawd.
Wasiirrada ayaa waxa deegaannada ay socdaalka ku mareen waxa ku soo dhaweeyay Dadweynaha ku dhaqan, kuwaasi oo soo dhaweynta ka dib hadallo u jeediyey Dadkaasi.
Wasiirrada Xukuumadda ee Degmooyinka socdaalka ku maray iyo Madax-dhaqameedka deegaannadaasi oo laftoodu hadallo jeediyey ayaa waxa dhex maray Kaftan Dadkii dhegaysanayey aad qosliyey.
Axmed-raan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Degmada Balli-cabbane ku soo dhaweeyay Weftiga ka socda Xukuumadda, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey wuxuu ku sheegay in Wasiirrada Weftiga ee ay soo dhaweeyeen ay dhammaantood yihiin Rag dhallinyaro ah, marka laga reebo Wasiirka Horumarinta Caafimaadka oo Weftiga ka mid ahaa.
Suldaan Axmed-raan ayaa Dadka degmada Balli-cabbane la hadlaya isla-markaana dareenkooda ku soo jeedinaya Weftiga Wasiirrada ah, ayaa yidhi “Wasiirka Caafimaadka mooyaane inta kale Caga-baruur bay u badan tahay (Wasiirrada) ee Maanta u feejignaada meelaha Baylahdu u badan tahay..” ayuu yidhi, isagoo Dadweynaha u tilmaamaya inay baahiyahooda si wanaagsan u soo bandhigaan, hase-ahaatee Wasiirka Caafimaadka oo hadalka ka daba-qaatay, ayaa ka jawaabay kaftanka Axmed-raan, waxaanu sheegay in Wasiirradu ay dhammaantood Caga-baruur yihiin, waxaanu yidhi “Axmed-raan mee, Axmedoow wada Caga-baruur baanu nahay (Wasiirrada)..”
Kaftanka Suldaanka iyo Wasiirka Caafimaadka ayaa ku salaysan Xanka Shacabka ee Xukuumadda, kaasi oo ah in Madaxweyne Biixi soo dhisay Xukuumad u badan dhallinyaro.