Dhakhtar Bukaankiisa Ku Daweeya Godod Uu Ku Aaso Muddo Laba Saacadood Ah!

Dhakhtar u dhashay Dalka Ukrain ayaa waxa uu bukaankiisa u daweeyaa qaab isaga u gaara oo ah inuu dadka Bukaanka ah ee u yimaada uu aaso oo qaar ka mid ah muddo laba saacadood ah.

 

Dhakhtarkan ayaa waxa magaciisa la yidhaa Andre Zelivetro, waana Dhakhtar daweeya Xanuunada Nafsiga ah waxaanu qaar ka mid ah bukaankiisa ku Aasaa muddo laba saacadood ah godod uu uga qoday keymaha, dhakhtarkan ayaa waxa baadigoobayey Bileyska Dalkaasi, balse kadib markii Bileysku la kulmeen waxa uu u xaqiijiyay inuu Dadka qaar ku daweeyo sidani.

 

Dr Andre ayaa si uu arrintaasi u xaqiijiyo waxa uu bukaankaasi uu aasay muddada labada saacadood ah uu ka duubay muuqaalo muujinayey xilliga uu aasay iyo xilliga uu ka soo saaray waxaanu muuqaaladaasi ku baahiyey baraha bulshada waxaanu sheegay in arrintaasi ay wax badan ka beddeshay caafimaadkii dadkii uu ku daweeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker