Somaliland Oo Ka Codsatay R/wasaaraha Itoobiya Inuu Xaliyo Khilaafka Soomaaliya iyo Somaliland

R/wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa waxaa ay Somaliland  ka codsatay  inuu xaliyo khilaafka u dhexeeya  Somaliland iyo Soomaaliya,Maadaama uu horey u xaliyay Muranka  Itoobiya-Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo khilaafaadka Koonfurta Suudaan.

Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Axmed Xasan Cigaal, oo la hadlay  wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta, ayaa sheegay in Somaliland aad u soo dhawaynayso isbedelada uu Raysalwasaare Abiy Axmed ka hirgeliyay gobalka Geeska Afrika.

Sidoo kale Axmed ayaa wuxuu sheegay in isbedelada uu sameeyay raysalwasaaraha Itoobiya ay burburiyeen buuro kala dhex yaalay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo dib u heshiisiinta uu ka dhex dhaliyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan.

 

Hadalkan ka soo yeedhay  Xukuuumadda Somaliland  ayaan la ogeyn sida uu ugu falcelin doona R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

 

R/wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker