Faysal Cali Waraabe oo cadeeyey in Siyaasiinta S/Land Midnimo ay rabaan Shicibkase Been lagu maaweeliyo, wuxuu ku andacoodey Somaliya
Faysal BBCda wuxuu ka sheegay in soo dhaweyntii Qalbi dhagax uu isagu ka soo shaqeeyey, Siyaasiyiinta kale ee
Somaliyana uu ku soo casuumayo Hargeysa oo uu isugu keenayo Hargeysa, kana shaqaynayo midnimo.
waxa kale oo jirta oo Faysal la weydiiyey sidey isu qabanaysaa Somaliya waanu ka go,nay & Siyaasiinta Somaliya
ayaanu Hargeysa ku soo dhawaynaynaa, & Calankii Buluuga eed ka xanaaqi jirteen oo Qalbiga dhagax ka dhex
muuqday Calankii Qalbi dhagax.
Faysal wuxuu ku andacoodey, Xidigta & calanka buulga anaguba mid madaw ayaanu leenahay, horana wuxuu
ugu andacoodey xiitaa Diric & shaadh Buluuga S/Land laguma xidhan karo, oo weliba waan toogan qofka mara
Buluuga xidh.
Faysal Cali araabe, kol kasta wuxuu cadeeyaa inuu Midnimo Somaliya Jecel yahay kana shaqeeyo, hadana uu
Shacabka Somaliland isaga dhigo inka qudha ee Jecel somaliland, Jecel qaranka Somaliland, ee qiiqa isugu qariya
si aan loo fahmin inuu caayo Somaliya, Farmaajo 7 maamul goboleedyada.
Faysal wuxuu aanu qarsan oo uu intaa la Kulmaa Madaxda Somaliya Xasan Sheekh & Farmaajo oo Sharci qabtaa
jirin, hadana kolkuu ka soo laabto uu Cay & aflgaado hawada u mariyaa Madaxda Somaliya.
Hadaba, shicibka Somaliland ee lagu xidho maxaad Xamar u tagtey, faysalna cadeeyey inay Siyaasiinta Somaliya
ku soo casuumayaan hargeysa oo ay noqonayso hargeysa mid midnimadii somaliya dib uga shaqaynaysa oo
calankii Buluuga ee laga xanaaqayey Shalay Hargeysa ka dhex muuqdey, Shicibku hays weydiiyaan Beenta ay
siyaasiyiinta somaliland dhawr & labaatan sano ku maaweelinayaa, qofkii taga Somaliya waa xadhig, qofkii xidha
mara buluuga waa xadhig, qofkii ka soo heesa waa xadhig, kolkaa sidey isu qabanaysaa, Hadaladii Faysal ee waan’
toogan & midnimo Somaliya ayaanu Hargeysa isugu keenayaa, waa Su,aal Dhalinyarada lagu maaweelinayo
Somaliya lama tegi karo & Faysal & siyaasiinta Somalinad sidey u jecel yihiin Midnimo somaliya, oo Su,aal aan
Jawaab loo hayn ?.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama
Ashaa.J@live.nl