Maxaabiistii Sharci Darada Ugu Jirtay Jeel Ogadeen Oo Ka Dareen Celiyay Sii Dayn Tooda
Wararka ka imanaya ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Shalay la xidhay xabsiga Jeel Ogaadeen oo ahaa jeel tacadiyo badan loogu geysan jiray dadka mudaddii uu maamulka dawlad deegaankaasi hayay Cabdi Maxamuud Cumar oo dhawaan Maxkamad la soo taagay.
Xabsigan albaabada loo laabay ayaa ahaa xabsi dad badan lagu jidh dilay qaarkoodna ay ku dhinteen, sida ay hore u sheegeen ha’yadaha u dooda xuquuqda aadanaha.
Golaha xafiisyada maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa isku raacay in albaabada loo laabo Shalay jeelkaasi, Tirada dadka haatan ku xidhnaa ayaa la sheegay in ay yihiin ku dhawaad 285 oo qof.
Maxaabiistii Sharci Darada Ugu Jirtay Jeel Ogadeen Oo Ka Dareen Celiyay Sii Dayn Tooda, halkan hoose ka daalaco warkaas oo dhan.