MAANSO : CIIL GODLAN
MAANSO ( CIIL GODLAN )
Keene iyo kordhiye
Keene . waar yaa kordhiye saaxiib waxa la yidhi
Madaxtooyadii toban yaryar oo isku beela
Ayaa isku dhex haysta oo midba buugaag iyo shaanbad
Gaar usitaa oo kolba digriito M/WEYNE soo saaraya
Kordhiye. Waxa kaloo la yidhi ODAYGIINA kursigiibuu
La wareerayoo waxa meesha ka socdaba war uma hayo
Hadduu war uhayo wuxuu eryilaa kuwan afxumada la taagan
Shaashadaa ee wasiirada ah kuwa dusha wasiir ka ah iyo kuwa hoos
Ka ahba ee cayda dumarka iyo cyaal tahriibinta shaqo ka dhigtay
Immikana waa afartii
Maano .
GARDARADU INTAY TAAGAN TIYO
Guul dariyo ceebtu
Inta goluhu xaaraan uyahay
Gaadmo iyo tuugo
Inta gaar wax loo shubana yee
Gacani hoos taalo
Inta ciil godlani madaxa sare
Uu gafuur lulayo
Inta qaar gabdhaha caayayana
Taajku guud sudhan yay
.
Wasiirkaa garaad kiisu dhalay
Gawracaa ubadka
Ee gala tahriib tiyo halaag
Tegis ku guubaab shay
Gadh wadeen intay wada yihiin
Noocan gabay sheegay
Inta gobol la naaxina ya ee
Baaqigii go,ayo
Inta geesigii meel cidla,ah
Girin girayn shaarub
Inta geela kaan celin aqoon
Gaawahaw culayo
.
Gafanuhu intuu nuugayiyo
Bahal kaloo gaabn
Ee gabaarey tuutaysan tahay
Meel goshiyo baara
Godol qaad inuu ubad ka helo
Waa wax soo gudhaye
.
Goblin weeye soomaali laan
Aabaheed go,aye
Gumar iyo cadaad iyo xasbay
Gogoshi taalaaye
Garba duub qofkii juuq yidhaa
Jeelka lagu geeye
Gunta aan xishoon iyo intii
Guul wadiyo neefa
Gocoraa qabsaday aan ogayn
Gooh la soo maraye
Kuman baa ugo,ay oo ku jira
Meel godoo xidhane
Gami waaye xumaantay wadaan
Goosankii hadhaye
.
Fulihii ka goobyaa-layee foranba
Aan gaadhin
Geerida ka meer meera yiyo
Cadawga gees tiisa
Ganbadh keeda kiibaa fadhiya
Oo guddoon sha,ahe
Garab kiisa yeybaa camiran
Oo taqaan gura,e
Gurduf gaarduf caydhaa ku degey
Oon walaal garane
.
In yaroo damiirkii gubtaa
Tuban garoon kiiye
Gool qudha inay kuu dhashaan
Gacalo haw feedhn
Gurmad buu yabooh ugu jiraa
Oo dalkani waa go,doon dhabahe.
Guuleed liibaan snm1710@livecom