Ilma adeerayaaloow isu kay qaban weyday ee ila taliya

Soomaali ayaa horay ugu maahmaahday “Rabbi ka baq iyo rag iska dhici meel ma wada galaan” laakiin xaqiiqada dhabta ah waxaad ogaanaysaa marka aad nolosha dhexgashid gaar ahaan aad noqotid nin wax tari kara, dhibna gaysan kara oo ay is hardiyaan waxa ay kaa doonayaan naf iyo shaydaan oo dhinac ah iyo waxa Rabbi kaa doonayo, danta beesha iyo danta ummadduna ku jirto.

Markaas ayay soo kala baxayaan ninka Ilaahay sida dhabta ah uga baqaya oo ilaalinaya diinta iyo danta ummadda, iyo ninka ay afkiisa iyo calooshiisu hoggaaminayaan.

Nin asaaggaa ah oo aan yaraantii kaa adkaan jirin, haddana aan waxba ku dheerayn oo waliba aad ka laandheeraysan tahay marka arrin gaar ah ay idin dhexmarto ama aad isku haysaan hoggaanka beesha ama aad isku maandhaaftaan siyaasadda rag iska dhicintu waxay keenaysaa in aad isticmaashid wax walba oo aad ninkaas kaga adkaan kartid adoo aan eegin ma saxbaa ma khaladbaa, ma xalaalbaa ma xaaraanbaa, ma danbaa ma dan darraa?.

Tillaabooyinka aad ninkaas kula hardamaysid waxay wax u dhimayaan sharaftaada adduun iyo aakhiradaada, tolkiina burbur baa ku imaanaya, dalkii iyo ummaddiina waa ku baaba’ayaan oo dowladnimadii ayaa ku burburaysa ama ku daciifaysa.

Haddaan far aad u waaweyn ku qorno rag iska dhicintu waxay ku gaarsiinaysaa in Alle iyo diintiisu qaamuuskaaga ka baxaan, in aad dantaada adduun iyo aakhiro u seegtid hebel xumee darteed, in aad beeshaada jifo jifo u kala jabisid ama isku laysid; si aad hebel u dhabarjabisid, in aad dalkii iyo ummaddii iska horkeentid adoo ku xumaynaya hebel oo kursi ama hunguri idin dhexmaray.

Dadka arrintaas aysan wali qabsan ee la yaabaya ragga sidaa u dhaqmaya horta ha fahmeen in ninka ay rag is hayaan uu ka xanuunsanayo in assaaggiis guulaysto, isaguna wax la’aan dhoco. Tan kale ha fahmeen ninkaas in aanu kaligi ahayn ee ay barbar yaacayaan shayaadiin jinni iyo insi isugu jira oo xumaha u qurxinaya, jeclaysiinaya, kuna boorrinaya oo tusaya ceebta iyo khasaaraha ku dhici doona haddii aanu tillaaboiyinkaas qaadin.

Gabagabadii mushkiladaan ku gaar maaha siyaasiyiinta iyo dhaqanka ee waa masiibo qof walba u imaan karta oo lugu imtixaanayo ma jidka Ilaahay buu dooranayaa mise waddooyinka shaydaan ee idinka oo mahadsan ragga imtixaankaas haysto ha lala taliyo.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker