Dibadbaxyo Gilgilay Dalka Jarmalka oo looga soo horjeedo dil loo gaystay wiil dhalinyaro ah.
Xisbiga midigta fog iyo kooxaha ka soo horjeeda muhaajirinta ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyada ka dhacay magaalada Köthen ee bariga Jarmalka, halkaas oo nin Jarmal ah lagu dilay mar sii horeeysay kadib markii sida la sheegay ay dileen niman ka soo jeeda dalkaasi Afghanistan.
Booliska ayaa la geeyay goobta si ay uga hortagaan isku dhacayo iyo rabshado ka dhaca halkaasi.
Duqa magaalada ayaa shacabka u sheegay in ay guryahooda iska joogaan.
22 jirkan oo ku dhintay dagaal uu la galay niman muhaajiriin ah ayaa la sheegay In uu qabay xanuunn dhanka wadnaha ah.
Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in baadhitaano la sameeyay ay muujinayaan in dhibanaha aanu u dhiman dhaawaca madaxa ka soo gaadhay dartii.
Maanta oo axad ahayd, koox dad ah ayaa lug ku marayay caasimadda kuwaasi oo shitay shumacyo lagu xusayo dhibanaha.

Warbaahinta Jarmalka ayaa soo xiganaysa dad goobjoogeyaal ah oo sheegaya in dagaalka Köthen uu ka dhacay meel banaan ah kadib markii ninka dhintay iyo walaalkii uu muran dhex maray laba nin oo ree Afghanistan ah.
“Labada nin ee reer afghanstan ayaa markii hore loo xidhay dilkaasi,” booliska ayaa sidaa sheegay.
Magaalada Chemnitz waxaa lagu xidhay nin Suuriyaan ah iyo mid kale oo Ciraaqi ah kadib markii nin 35 sano jir Jarmal ah toori lagu dilay 26-kii bishii August.
Dhacdaan ayaa sababtay iska hor imaadyo u dhaxeeya xisbiga midigta fog iyo dibadbayeyaal ka soo horjeeda Naziga.

Maxay arrinta muhaajiriinta u noqtay caqabad?
Sanadkii 2015-kii hogaamiyaha Jarmlka Angela Merkel ayaa go’aansatay in ay soo dhaweyso qaxooti gaadhaya 890,000, tiradaasi oo noqotay tii ugu badnayad.
Suuriyiinta ka soo cararay dagaal sokeeye ayaa 43% ka qaxootigaasi.
Markel iyo xulafadeeda ayaa arintas darteed waxa ay doorashdai sanadkii tagay ka dhacday Jarmalka ay ku waayeen taageerayaal badan, waxaana kuraasta ugu badan baarlamaanka ku guleeystay xisbiga ka soo horjeeda muhaajiriinta ee AfD.