FBI da Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabtay nin dhallinyaro ah oo ka tirsan ciidanka cirka ee Maraykanka
FBI da Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabtay nin dhallinyaro ah oo lagu magcaabo Jack Teixeira kaas oo ka tirsan ciidanka cirka ee Maraykanka.
Ninkan oo da’diisu ay tahay 21 jir ayaa loo haystaa dusinta iyo baahinta siro iyo xogo xasaasiya. Isaga oo ka hawl galayey waaxda IT ga ee ciidanka Cirka.
Sirahan oo tiradoodu boqol ku dhowdahay ayaa ku saabsanaa dagaalka Ukraine, xulafada Maraykanka iyo sida loo basaaso madaxda qaar.
Bixista xogahan oo Washington weji gabax ku riday ayaa la sheegay in uu dusiyey Jack Teixeira isla markaana uu la wadaagey dhallin ay sheeko wadaag ku yihiin baraha bulshada.
Ninkan ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah maxkamad la soo taago isla markaana lagu ogoo khiyaamo qaran iyo bixinta xogo lagu aaminay.