Cashar ku Saabsan Ka Hortagga Waxyeelada Dabka: – Diyaariye : Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye Guuto: Axmed Maxamed Xasan— Qaybta Saddexaad.
Hadaba, waxaa suaal isweydiin leh ah qalabka an soo sheegey wadankeena malaga helaaya, farsama yaqaaniintii rakibi lahaydna ma joogaan? Jawaabtuna waa haa, qalabyadaas wadanka waa laga heli karaa, farsama yaqaaniintii rakibi lahaydna, ammaseba cilad ka saarid qaban lahaana waa la helaaya.
Ugu dambeyntiina waxaan dadweynaha talo ku siinaaya imika sidii berigii hore dalku ma ahaa, waxaanu leenahay ciidankii dabdemiska qaranka oo wax walba shicibka u sahlaaya iney ka caawiyaan waxyaabaha ayka tabanayaan dhinaca dabka iyo nabadgelyadaba (Fire & Safety) markaas waxaa loo baahanyahay intaan lagu rakibanin ammaseba kharashkooda la gelin iney la tashi la semeystaan ciidanka dabdemiska qaranka oo ayka caawin doona noocyada, tirada, halka lagu kala rakibaayo iyo tababarkoodaba, laiskana
daayo qalabyada dabdemiska ee laiska soo iibsanaayo iyega oo aaney waxba ka garaneynin, waxaana imika bilaabmi doona ciidanka dabdemisku iney hubin iyo jeegareynba ku semeyn meel kasta oo ay qalbkaasi yaalin.
Waxaa noo soo diyaariyey:
Sareeye Guuto: Axmed Maxamed xassan (Sawaxili).