Booliska Magaalada Mombasa oo Xidhay Dad Ka Badan 150 Ruux oo Si Sharci Darro Ah Ku Joogay Dalka Kenya.
Laamaha police-ka ee magaalo xeebeedka mombasa ee dalka kenya ayaa gacanta ku dhigay 163 ruux oo u dhalatay wadanka Pakistan kadib howlgal qaatay mudo isbuuc ah oo ay ciidamadu wadeen.
Taliyaha ciidamada police-ka ee gobolka xeebta kenya Noah Mwivanda ayaa sheegay in shaqsiyaadka la soo qabtay aanay dalka kenya ku joogin qaab sharci ah halka qaarkood ay wateen vissa aan sax aheyn.
Pakistaaniyiintan ayaa qaarkood ahaa ganacsatada ka baayac mushtarta gawaadhida ee ku nool kenya sida uu tilmaamay Mr Mr Mwivanda.
Dhanka kale sargaalkan ayaa balan qaaday in uu sii socon doono howlgalka ka dhan ka ah dadka sida sharciga aan aheyn ku jooga kenya labada bilood ee soo socda.
Dowlada kenya ayaa dhanka kale shaacisay in dalkeeda ay ka masaafurin doonto dadka sida sharci darada ah lagu soo qabtay ee hada ku jira xabsiyada.
Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii kenya ay dalkeeda ka masaafursay lix muwaadin oo u dhalatay wadanka Sri Lankans kuwaasi oo si sharci aan aheyn uga shaqeysanayay magaalada Voi ee caasimada ismaamulka Taita taveta ee gobolka xeebta kenya.
Soomaali badan oo ku nool kenya gaaar ahaan magaalada Nairobi ayaa la aaminsan yahay in si aan sharci aheyn ay ugu nool yihiin ayna ka shaqeeyaan xarumaha ganacsi.