Kenya Oo Sheegtay Inay Dib U soo Nooleynayso Qaraarkii Fashilmay 1267 Ee ay Diiday Somaliya.
Dowladda Kenya ayaa weli Qaramada Midoobay ku riixeyso in Kooxda Al-Shabaab loo aqoonsado inay yihiin urur argagixiso, laguna darro qaraarka 1267, arrintaas oo Soomaaliya ay kasoo horjeeddo.
Agaasimaha Dambi baarista Kenya George Kinoti ayaa sheegay in Al-Shabaab oo lagu daro ururka Argagixisada ay keeneyso in laga hortago inay argagixisada ku faafto bariga Africa.
“Kenya waxay sii wadeysaa inay ku riixdo Al-Shabaab in loogu yeero urur argagixiso,” ayuu ka sheegay George shirka 88-aad ee Internapool oo lagu qabtay dalka Chile.
Kulanku ayaa waxaa isugu imaaday saraakiisha fulinta sharciga ee adduunka oo dhan si loo taageero dadaalada Qaran iyo kuwa heer Gobol ee lagula dagaallamayo Argagixisannimada iyo dambiyada abaabulan.
Kenya ayaa u gudbisay soo jeedin Qaramada Midoobay (UN) in kooxda Soomaaliya lagu xuso koox argaggixiso ah iyadoo sheegtay in tallaabadani ay xoogga saari doonto sidii loola dagaallami lahaa xagjiriinta.
Qaramada Midoobay ayaa diiday qaraarkaas, sidoo kalana waxaa si cad uga hor timaaday Dowladda Mareykanka oo sheegtay in go’aankaas uu yahay mid dadka shacabka ah saameyn ku yeelanayo.
Dowladda Kenya ayaan weli quusan, waxayna dadaalkeeda ugu badan ku bixineysaa sidii uu u fuli lahaa rabitaankeeda.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Maxamed Cusmaan oo arrintan fasiray ayaa sheegaya in qaraarkan ay Kenya soo-jeedisay uu leeyahay ujeedooyin kale oo ka baxsan la-dagaalanka Al-Shabaab.
Abuukar waxaa uu intaasi ku daray in qaraarka 1267 uu saameyn ku yeelan doono arrimaha banii’aadnimada, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab.
Waxaa kale oo la sheegayaa in haddii Al-Shabaab lagu dari lahaa liiska argigixisada caalamiga ay sidoo kale ka saameyn laheyd Soomaaliya arrimaha siyaasadda, horumarinta iyo ammaanka.
“Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.