Uruka Alshabaab Ee Soomaaliya Oo In Ka Badan 60 Odeyaal ah Xabsiga U Taxaabay + Sababta.
Muqdisho-(OWN)-Wararka ka imanaya dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in ururka Al-Shabab ay 62 odeyaal ah ay ku xidheen deeganno ka tirsan gobolka Galgaduud.
Odeyaashan ayaa loo haystay sannad ka hor bixinta diyada ama magta 5 qof oo ka tirsan jufadooda oo ay iyaga dusha saarteen.
Diyada loo haystay odeyaasha ayaa gaadhaysa 100 halaad islamarkaasna waxaa lagu ballamay in sannad kasta ay bixiyaan diyada hal qof.
Wararku waxay sheegayaan in sannadkani ay odeyaasha ka cago jiideen dhamaystirka bixinta diyadaasi.
Siddeed kamid ah odeyaasha ayaa lasoo daayay.