Cali guray oo ay ka Tan-badatay Cunfiga qabyaaladda iyo qurbaan-Cunnimaddu, oo Sida Xan-falayda la Booday Jawaab Hub-siimo la’aaneed oo u ka bixiyey waraysigii Diblumaasiyadeed ee Jamaal Cali Xuseen ka bixiyey Xaalada Dalka
Cali guray oo ay ka tan-badatay cunfiga qabyaaladda iyo qurbaan-cunnimaddu, ayaa sida xan falayda la booday isagoon waxba hubsan, isla markaana wada-daawan Waraysi Musharraxii hore Jamaal Cali Xuseen uu siiyey Telefiishanka Hctv oo ka bixiyey jawaab marin-habowsan.
Cali guray, ayaa aragtidiisa gaaban ee ku dhisan qabyaaladu, waxay tustay Waraysiga diblumaasiyadeed ee u bixiyey Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, oo aan lahayd wax haba-yaraatee la dhaliilo iyo erey la dhibsado oo laga diffaaco cid, inuu ka sameeyo jawaab uu Madaxweyne Muuse Biixi kaga helo Lacag, maadaama oo u basaasida Jamaal Cali Xuseen uu muddo shan sannaadood hore uu usoo masaarifsan jiray, isla markaana uu kusoo caano maalay weedho qabyaaleeysan, caadifad qaabiliya Iyo fudeyd ka baxsan anshaxa Siyaasada, ayaa ilaaway in lasoo dhaafay xilligii Muuse Lacagta ku siin-jiray Basaasida Jamaal Cali Xuseen, oo aanay marnaba suuro-gal noqonayn inuu ka dhigto mashruuc uu il dhaqaale u noqda.
Teeda kale, Cali Guray, waxa caddaydaystay inuu weligiiba ahaa basaas Jamaal Cali Xuseen ku qoran, waxana taas cadayn u ah qoraalkii uu kaga hadlay Maalintii xukun qarqooshkii Maxkamaddu kasoo saartay khilaafkii Ucid, kaasoo uu ciwaan uga dhigay “waan ku diirsaday goaankii Maxkamada”. kaddib markii Ganacsadaha Lacagtu fidmaysay ee Maxamed Aw Siciid isna dhiniciisa dhaqaale ku siin-jiray sidii u Lugta u hayn lahaa Siyaasi Jamaal Cali Xuseen. La soco Taxanayaal ku saabsab mabduucan.
Saylacnews.com