Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo Tababar u soo Xidhay Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xeebaha

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somalialnd, Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha guud ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, ayaa tababar u soo xidhay saraakiil ka tirsan ciidanka Xeebaha Somalilland .

Munaasibad kooban oo lagu qabtay taliska ciidanka ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu yidhi โ€œMandaqadeena waxa culays aad ugu haya dadka argagaxisada ah, waxa ka socda hubka suuqa madow ee baddaha ka imanaaya ee meelaha aan inaga ahayn u socda, markaa waxa aynu u baahanahay in aynu culays saarno, laguna ilaaliyo, laguna dabaqo aqoontii iyo cilmigii mudada idiin socday ee aad barateen.โ€

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay kordhinayaan tirada iyo tayada ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanu yidhi โ€œCiidanka waynu tayayn doonaa, tiradiisana waynu kordhin doonaa, laakiin mar walba tirada waxa ka horraysa tayada, marka tayo jirto ayaana hawl la qaban karaa.โ€

Taliyaha guud ee ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Sarreeyo guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa sharraxaad ka bixiyey nuxurka tababarka ay qaateen saraakiisha ka tirsan ciidanka baddu, waxaana uu yidhi โ€œBarnaamijka Ciidankani dhammaysteen, waa nidaamka aasaaska iyo xoggaha isgaadhsiinta, Ciidanka Ilaalada xeebuhuna way kobcayaan.โ€

Maaha tababarkii ugu horreeyey la siiyey ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland balse waxa jira tababaro badan oo ay qayb ka yihiin Midowga Yurub oo kor loogu qaadayo tayada iyo xirfada ciidanka u xilsaaran sugida iyo ilaalinta ammaanka xeebaha Somaliland .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker