Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo baahiyay xog ku saabsan duqeymaha Yemen
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa la wadaagay xogta ku saabsan duqeymaha Mareykanka ee Yemen koox labaad oo gaar ah oo ku jirta app-ka Signal-ka, sida lagu xaqiijiyay xog laga helay ilo xog ogaal ah.
Farriimaha, oo la diray 15-kii Maarso, waxaa ka mid ahaa jadwalka duulimaadyada ee F/A-18 Hornets ee Mareykanka oo fulinaya weerarrada bartilmaameedyada Xuutiyiinta. Kooxda waxaa ku jiray xaaska Hegseth, walaalkeed iyo qareenka gaarka ah.
Arimahan ayaa imaanaya bil kadib markii la shaaciyay koox ka hadlaysay xog xasaasi ah oo ku saabsaneed howlgallada ciidamada Mareykanka ee dalka Yemen.
Bayaan uu siiyay wargeyska New York Times, oo markii ugu horeysay ka warbixiyay kooxda labaad, ayaa Aqalka Cad waxaa uu sheegay in aan lala wadaagin macluumaad sir ah.
Arrintaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo Axaddii, Mareykanku uu duqeymo ka fuliyay suuq ku yaalla mid ka mid ah xaafaaha magaalada sanca halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan toban qof isla markaana ay ku dhaawacmeen soddon qof.