” Waa Ayaan-daro & Nasiib-xumo in Siyaasi Ali-Sandule ku Dayacmo Gudaha Hargeysa ….. “

Waa Ayaan-daro & Nasiib-xumo in Siyaasi Ali-Sandule ku Dayacmo Gudaha Hargeysa iyo Xukuumadii uu ka tirsanaa Xaalad Caafimaad awgeed.

Waa Noo tusaale Cad sida loola dhaqmo Siyaasiyiintayada ka soo jeeda Gobolka Sool ee Anigu ka midka ahayi Qaabka Xiliga Xanuunku ku yimaado.

Waxaan Xasuustaa; Qaybe, Fagadhe, Fu’aad Aadan Cade & Maanta oo Ali-Sandule Xanuun ugu dayacan yahay Gudaha Hargeysa; Dhamaantood Dayac & Daryeel la’aan bay u dhinteen.

Ma jiro, Mana dhicin Siyaasi ka soo jeeda Goboladan Bari oo Dayac, Darxumo iyo Silic ugu nafbaxay Gudaha Xukuumada Somaliya amaba Maamulka Puntland. Siyaasiyiintayada Deegaamadaasi ka shaqeeyey ama weli ka tirsani Sharaf iyo Cisi iyo Daryeelba way ku haystaan Maamulada ay la joogaan ee kale, Balse Soomaaliland waxay Siyaasigayaga jeceshahay Xiliga uu Shaqada u hayo oo keliya.

Nama farxad iyo Kalsooni gelinayso Qaabka Somaliland ula dhaqanto Siyaasiyiintayada Xiliga ay Xurmada & Xanaanada u baahan yihiin. Maantana ma Ali-Sandule ayaa ku dul dhintay.

Waxgaradka iyo Xukuumada Muuse Biixi waxaan ugu baaqaynaa inay Arintan Xaalada Ali-sandule degdeg wax uga qabataan; Meeye saaxiibadii Shalay, Meeday Xukuumadii uu shaqada wanaagsan u soo qabtay, Ma sidan baa loogu abaal-guday.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Bariga, Mid Xil haya oo in la jecel yahay isu haysta iyo intayada Xil-sugaha ahiba arintani waa noo tusaale cad; kana fursan mayso inaanu Talo-guud dib isugu noqono, oo mustaqbalkayaga Dambe dib u eegis ku samayno.

KHAYRKII NIN LOO XIIRAYOW SOO QOYSO.

https://youtu.be/pUbAECUB3Is

Afhayeenka Yurub

Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker