Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Qaabilay Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Munaasibadda Ciidda Salaan Ugu Tagay.
Hargaysa-(OWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta gurigiisa ku qaabilay madaxweynihii hore ee uu xilka kala wareegay, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo munaasibadda ciidal-Al adxada darteed salaam ugu yimi.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kal iyo laab ah u qaabilay madaxweynihii hore ee uu xilka qaranka kala wareegay, Mudane Axmed Siilaanyo, waxana ay halkaas ku qaateen qaddar kaftan iyo is xog-waraysi ah.