Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga wuxu hambalyo u dirayaa dhammaan Jaalliyadaha Somaliland

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) wuxu hambalyo u diraya bulshooyinka Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka munaasibadda Ciidda Islaamka, Ciidda Carrafo awgeed.

“Waxa aan hambalyo u dirayaa guud ahaan umadda Somaliland, shacab iyo dawladba, iyo umadda Islaamkaba Munaasibadda Ciidda Islamka ee  Ciidal-Odxa awgeed. Si gaar ah, waxa aan fursaddan uga faaiidaysanayaa inaan hambalyo kal iyo laab ah hawada u mariyo dhammaan Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee ku nool wadamada kala duwan ee caalamka. Waxa aan Ilaahay ka rajaynayaa inuu caafimaad, camal suuban, nabadgelyo iyo horumar, bash bash iyo barwaaqo innagu wada gaadhsiiyo Ciidda Ciideeda. Farxad ku ciida meelkasta oo aad ka joogtaan dunida,” Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), Guddoomiyaha Hay’adda Qurrbajoogga Somaliland.

 

KULLU CAAM WA ANTUM BI KHAYR

 

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskashiga Caalamiga ah JSL

Jamhuuriyadda Somaliland

August 20, 2018

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker