Haweenay U Dhalatay Dalka Brazil Oo Diinta Islaamka Qaadatay Habeenkii Aqal-galkeeda
Haweenay u dhalatay wadanka Brazil ee qaaradda Latin America ayaa Ilaahay SWT waafajiyey in ay qaadato Diinta Islaamka wakhti ay haweenaydaasi qorshaysanaysay in ay hal habeen wada dhacaan xafladda meherkeeda iyo Aqal-galkeedu kadib markii ay guursatay nin Muslim ah oo in badan doonayay in uu haweenaydaasi ku qanciyo qaadashada diinta Islaamka kuna guulaystay in uu indhihiisa saaro haweenaydii uu calmaday ee uu muddada badan ka sugayay in ay diintiisa qaadato oo ku dhawaaqaysa Shahaadada.
Haweenaydan ayaa Kedis kaga dhigtay dad badan oo Muslimiin ah iyo kuwo aan muslimiin ahayn oo xafladda Arooskeeda danaynayay kuwaasi oo dhammaantood u dhashay wadanka Brazil, kedista arrinkan ayaa dhacay kadib markii Maalinimadii Jimcihii ay haweenaydani ku dhawaaqaday Kelmadda “Tawxiidka” iyada oo aan cidina ku khasbin in ay sidaa yeesho dadka hortoodana ka sheegtay in ay ku qanacday in ay qaadato diinta Islaamka.
Xaflad ballaadhan oo xuska Qaadashada Diinta Islaamka ee haweenaydan loo sameeyey saacad ka hor aqal galkeedii oo ka dhacday Masaajid weyn oo ku yaalla Magaalada Brasilia ee caasimadda wadanka Brazil iyada oo Masaajidkaasi haweenaydan loogu laqimay shahaadada kadibna sidaa ku raacday saygeeda la aqal galayay. Ehelada iyo asaxaabta labada dhinac ayaa masaajidka soo buux dhaafiyey waxaana halkaasi Haweenaydan shahaadada ugu qabtay Sheekh Dr. Cabdixamiid Mutawali oo ah Imaamka iyo Khadiibka Masjid Jaamaca weyn ee Magaalada Brasilia.
“Luuqadda Carabiga ayaanu Shahaadada ugu laqinay. Waxa ay ahayd haweenay isku kalsoon oo sheegtay in ay diinta baranayso, annana waxaanu Ilaahay SWT uga baryeynaa in uu diinteeda ku toosiyo oo waafajiyo wanaagga ay leedahay” sidaa waxa yidhi Sh. Khaalid Taqi-diin oo ah madaxa Culimada Mashaayiikhda Brazil oo saxaafadda la hadlayay. Wadanka Brazil oo aqlabiyadda dadkiisu haystaan diinta Kiistaanka gaar ahaan Mad-habta Kaatoliga ayaa waxa sannadkan si weyn u kordhaya dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi oo ah kuwo laga tiro badan yahay.