Guddoomiyaha Daladda Dhalinyaradda Heer Qaran Ee SONYO Oo Farriin Hambalyadda Ciidda-Adxadda Ah U Diray Dhalinyarada Somaliland
Hargaysa:(OWN)-Gudoomiyaha Daladda Dhalinyaradda Somaliland ee heer qaran ee SONYO,Cabdicasiis Siciid Salaax,ayaa guud ahaanba dhalinyaradda Somaliland Dhambaal Hamblyo ah u diray Munaasibadda Ciidal-Adxada awgeed.
Gudoomiyihu,Waxa uu sheegay inuu u rajaynayo guud ahaanba Dhalinyradda Somaliland iyo guud ahaanba Shucuubta Muslimiinta ah Wanaag,Horumar iyo inay Sannadkan kiisa kale ku gaadhaan Nabad-qab iyo Badhaadhe.
Guddoomiyaha Daladda SONYO,Cabdicasiis Siiciid Saalax,waxa uu farriin ku aaddan inay Higsi iyo Himilo dheer yeeshaan u diray guud ahaanba dhalinyaradda,isaga oo sheegay in inta uu qofku ku jiro Xiliga Dhalinyaranimadda ay tahay Fursad Dahabi ah oo ay u baahan tahay dhalinyaradduna feejignaanteeda iyo ka faa’iidaysigeedaba yeeshaan.
Dhinaca kalena,waxa uu Gudoomiye Cabdicasiis u rajeeyay Dadka Muslimiinta ah ee gudanaya Waajibaadka Xajka Inuu ILAAHAY ka aqbalo Acmaasha Suuban.