Aasaasihii Shabakadda Siraha ee WikiLeaks oo Xabsiga ku dhex guursaday haweenay ay muddo is jeclaayeen
Aasaasaha Shabakadda Siraha soo faqda ee WikiLeaks Julian Assange ayaa gabadh ay muddoba isku cindanaayeen waxa uu ugu dambayn ku guursaday Xabsiga uu ku xidhan yahay ee ku yaalla Koonfur-Bari magaalada London ee Carriga Ingiriiska.
Sir faafiyaha Julian Assange ayaa haweenayda lagu magacaabo Stella Morris oo ay muddo is jeclaayeen waxa ay ugu dambayn isku dhex guursadeen shabaggii xabsiga ahaa ee uu ku jiray kaasi oo munaasabadda Meherkiisa ay ka soo qayb galeen Baaderigii Meherinayay, Laba Askarta Ilaalada Xabsiga ka mid ahaa oo Markhaati ahaan loo diyaariyey iyo 4 qof oo marti sharaf ahaan loogu ogolaaday in ay xabsiga ugu dhex yimaaddaan si ay goob joog uga noqdaan xafladda Meherkiisa.
