Wareegto laga noxo uu soo saaray Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

“Dhamaan Dhakhaatiirta Qaliinada guud, Suxiyayaasha Qaliinada Cusbitaalka, Shaqaalaha qaliimada caawiya ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa, Waxa la idin Farayaa in aydaan wax lacag ah ka dayn karin qofnaba, Qofkii Qiimo dhimis ama mid bilaash ah sameeyana Gunadiisa ayaa laga goosan doono Lacagtaasi.”

Dhamaan Dhakhaatiirta Qaliinada guud ee ka hawlgasha Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa laga mamnuucay in ay u sameeyan bukanaada ay qaliinada u fulinayaan wax qiimo dhimis ah ama Qaliino bilaash ah.

Wareegto uu soo saaray Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed Askar oo nuqul ka mid ah aanu helnay ayaa Dhakhaatiirta Qaalinada Guud ee cusbitaalka guud ee Hargeysa, Suuxiyayaasha Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo shaqaalaha qaliimada caawiya uu ugu hanjabay hadii ay sameeyan qaliino bilaash ah ama Wax ka dayaan Lacagta Qaliinada bukaanada gunadooda laga goosan doono Lacagtaasi.

Dr. Askar wuxuu ku sheegay Qoraalkiisan oo kale in Maamulka Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo kaliya uu samayn karo qiimo dhimista ama qaliinada bilaashka ah iyo Heeganka cusbitaalka oo u samayn Kara keliya Kiisaska Deg Deg ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker