Booliska Magaalada Zurich Ee Switzerland Oo Codsaday In Xawaanka Ey-ga Kabo Loo Xidho
Booliska magaalada Zurich ee Switzerland aya ka codsaday dadka eeyaha leh in ay kabo uga galiyaan kulaylka xad dhaafka ah ee dalkaas ka jira. Hay’adda warbaahinta dawladda ee SRF waxay sheegtay in booliska magaalada uu qaday olole loogu magac daray “Hot Dog”, ayadoo ddka eeyaha leh lagu barayo sida ay saaxiibadooda afarta lugood leh uga badbaadin lahaayeen dhulka sibirka ah ee aadka u kulul, kaasoo cagaha ka xanuujin kara.
Cimilada aadka u kulul ee Yurub ayaa micnaheedu wuxuu yahay in Switzerland ay ku jirto mid ka mid ah xagaagii ugu kululaa ee soo mara tan iyo sannadkii 1864, ayadoo heerkulku uu gaaray bishii Luulyo 30C darajo. Waxaa kaloo la sheegay in qaybo dalka ka tirsan ay abaar ka dhacday.
Sida laga soo xigtay Michael Walker oo ah afhayeenka booliska magaalada Zurich, 30C darajo marka heerkulku uu yahay, kulaylka sibirka dhulka wuxuu gaari karaa 50-55C, kaasoo xanuujin kara xayawaanka.”Marka uu eey ku dul socdo laami kulul, lugaha ayuu ka guban karaa – waa sida qof bani’aadan ah oo soconaya isagoo cagacad” ayuu ku yiri SRF.
Booliska Zurich waxay kula talinayaan dadka xayawaanka leh inay hubiyaan in dhulku kulul yahay, ka hor inta aysan dibadda u kaxayn.
Sidoo kale waxaa lagula taliyey in aysan uga dhex tagin gawaari kulul, lana xaqiijiyo in la siiyo biyo. “Haddii uu kulayl jiro “ka fogow waddooyinka laamiyada ah ee ay qorraxdu hayso, eeyaha waaweyn kabo u gali, kuwa yaryarna xambaar” ayaa lagu yiri bogooda Facebook. Dad badan oo eeyo leh ayaa amaanay ololaha, kaasoo ay ka muuqdaan qaar ka mid ah eeyaha askarta oo kabo qaba.