Maareeye Ku Xigeenka Madbacadda Qaraku Wuxuu Tacsi U Dirayaa Marxuum Xildhibaan C/Qaadir Askar Xasan
Maareeye ku xigeenka Madbacadda Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalilaan mudane Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan shaqaale waynaha madbacadda qarankaย wuxuu tacsii tiiraanyo leh u ย dirayaa Alle ha u naxariistee marxuum Cabdiqaadir Askar Xasan oo ahaa xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda Soomaalilaan oo habeenimadii taariikhdu ahayd 31-07-2018 ku geeriyooday magaalada London ee wadanka UK. Maareeye ku xigeenku wuxuu marxuumka ka tacsiyadaynayaa qoyskii, qaraabadii, asxaabtii, gole waynihii uu ka baxay iyo dhammaan shacabka soomaalilaand ee uu ka baxay marxuumku. Waxaanu Illaahay ugu baryayaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaranka uu ka baxayna samir iyo iimaana Alle ka siiyo. Ammiin Ammiin Ammiin