Oodweyne iyo degmada go’da weyn midna ceel biyood maleh Mudane wasiir Saleebaan C.Koore

horta marka hore waxan salaamaya dhammaan shacabka somaliland madax iyo minjaba waxaan qalinka u qaatay bal inaan hoga tusaaleeyo wasiirka horumarinta biyaha Mudane saleebaan cali koore .. waxa hubaal ah wasiir inaan xukuumadii silaanyo ka meermeertay inay dhulka qaar lasinto gobolada kale ee somaliland dhanka biyaha ujeedada ay kalahaydna Rabbi baa og iyagaanay u taala dhaxalkeedu waxa ka mid ah gobollo iyo degmooyindalka ku yaala  dalka muhiimad weyna ugu fadhiya marka laga eego degaanka ay ku yaalaan waxsoo saarkooda iyo dhul daaqsimeedkooda oo u baahan in ahmiyad gaar ah la siiyo sida degaanka go’da weyn iyo daadmadheedh welise maan maqal ceel biyood dadka iyo xooluhu ka cabbaan baa laga qoday intii xukuumadaha kala dambeeyey ka talinayeen somaliland dadka meesha Allah ku beerayna waa ma yeedhaan miidhan lamana xisaabtamaan xukuumadda malaa madaxdooduna kursiga ayey meesha ku ilaashadaan umana damqadaan baahiyaha dadkood haysta. markaa Wsiir koore ma laga yaaba inaad noqotid wasiirkii ugu horreeyey ee ummaddaa biyo usoo saara .. Dadka meesha degana waxaan odhan lahaa waar la xisaabtama madaxdiina kuwa degaanka iyo kuwa xukuumadaba Niman  hadal habartii wax ma siiso xaq baa u leedihiin inta qayrkiin heleba weliba waxa sii dheertihiin waxa Ilaahay idinku beeray dhulkii dalkan laga xoreeyey wakhtigii halganka waayo waxa ka soo jeeday degaankaas  raggii hormoodka u ahaa halganka sida Alla haw naxariistee – Lixle – maxamed cali – cabdiqadir koosaar – madaxdiin – haragwaafi – jamac cali cilmi – ina koodbuur – cabdixakiim sumuni – xuseen dheere iyo rag qiimo weyn kulahaa xornimada dalkan somaliland madaxweynuhuna wada garanaayo kaalintoodii  maalintii ay u kululayd . faan igama ah ee waa xaqiiqada dhabta ah iyo taariikhada qoran .. hadal iyo dhamaan wasiir saleebaan bal u gunto dadkaa sidii aad wax ugu qaban lahayd  Ilahay hakula qabtee soona kormeer oo xaqiiqada dhabta ah ee taala soo ogow  meelahaas waayo xil baa waddanka kaa wada saaran iyo masuuliyad Ilaahay kaala xisaabtamayo … waxakale oo aan halkan uga mahadnaqayaa Wasiir Axmed muumin seed oo u muuqda nin aad u dadaalaya Ismuujiyeyna daacadnimadiisa meel walban kormeer ku taga sidaan ka arkay warbaahinta  ..

 

wa billahi tawfiiq ..

DAHIR JAMA  , SA,DAHRAN

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker