Is-bedelka Geeska Africa Qeybtii 2aad

Tan iyo markii uu Xukunka  Ethiopia la wareegey Mr Abey Axmed oo ka yimi Qoomiyada Ugu faraha badan ee Oromada Waxa si daba joog ah isbeddello uga socdaan Manadaqadda Geeska Africa.Mr Abey Mar-qudha ayuu bedeley Yoolkii ay ku wahneyd Siyaasadda Ethiopia.
1:Waxaa uu Xididada u Saarey Xukunkii Tigreega ee Dalka ka talinayey Muddo 27 Sano ah.Waxaanu Dhammaan Casiley Saraakiishii Military ee Gacanta Birta wax ku xukumayey Dalka.
2:Waxa uu heshiis is Faham  la galey Dhammaan Waddamada Jaarka la ah Ethiopia
Sida Suudaan,Masar,Somalia iyo Eritria.
3: Waxa uu Faraha kala baxey Siyaasaddii Faragelinta  aheyd ee Ethiopia ku haysey Somalida.Waxaanu Qafil ku xidhey Dhammaan  Maamul Goboleedyadii ay Gacan-saarka la laheyd Taliskii Tigreegu.
Dhinaca Gudaha Ethiopia Waxa ka socda Kacdoonno.Tegreega Xukunka laga tuurey waxa ku goodiyeen in ay ka go,doonaan Ethiopia inteeda kale haddii aan wax laga bedelin sida wax u socdaan.Axmaarada oo ah Qoomiyadda labaad Taariikhda Ethiopina ku suntan ayaa iyakuna aad u kacsan ka dib markii laga diley Engneerkii Biyo-xidheenka Nile ka.
Soomaalida Ethiopia ayaa ah Meesha keliya ee aaney  ka dhicin wax is-bedela oo la taabaan karo in kasta oo ay socdaan Kacdoono Tar-tartiib u socda oo la rabo in Xukunka laga tuurayo Regime ka Abdi Iley.
la soco Qeybta 3aad.
Ibrahim Deria
London:UK
ibrahimderia@yahoo.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker