Booliiska Somaliland Oo Shaagay Tirada Dhallinyarada Rabshadaha Sameeya Ee Ay Sannadkan Qabteen
Taliska Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa faahfaahiyey ujeeddada hawl-gallo ay Ciidanku maalmihii u dambeeyay ka wadeen Caasimadda Hargeysa.
Warka BooliskaTaliye ku-xigeenka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) iyo Afhayeenka Ciidanka Booliska Faysal Xiis Cilmi oo Shalay si wada jir ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Xaruntooda Hargeysa, ayaa sheegay in Ciidanku wadaan hawl-gal kula dagaalamayaan Tuugta, Dhallinyarada Dadka baadha iyo Gaadiidka sida bilaa Sharciga ah loo kaxaysto.
Taliye ku-xigeenka Booliiska Cabdiraxmaan Fooxle oo ugu horreyn Shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Waxa socda hawl-gal lagu sugayo amniga, hawl-galkaa waxa lagu soo qab-qabtay Gaadiidka loo yaqaanno Fitis (Tukhaan) oo loo adeegsanayo Dambiyada, qaarkood waxaanu ku haynaa Lambar la’aan oo Lambarrada ayay ka furayaan, qaarkood waxaanu ku haynaa buug la’aan oo waxayna lahayn Buuggii gaadhiga. Habeenkii kuwa wax xadaa iyaga ayay ku boodaan oo ay ku baxsadaan, markaa waxaanu wadnaa baadhitaan dhab ah oo aanu kula dagaalamayno wixii dhaqan-xumo ah, si aanu ugu soo celino Marxaladdii hagaagsanayd ee ay lahaayeen.”
Taliye ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Hawl-galka aanu wadno waxa ka mid ah in lagu soo qab-qabto Tuugada oo Magaalada ku soo badatay, Mukhaadaraadka iyo kuwa Khamriga quuta, Tuugtaana in badan oo ka mid ah waa la qabtay, iyaga iyo dhallinyarada wax booba..” ayuu yidhi.
Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka Booliiska Faysal Xiis Cilmi oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Sannadka 2018-ka uu Ciidanku qab-qabtay dhallinyarada rabshadaha sameeya oo tiradoodu ka badan tahay 3 boqol iyo Gaadiid billaa Sharci ah oo loo adeegsaday Falalka Boobku ka mid yahay.
Afhayeenka Booliska oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Sannadka 2018-ka waxay Booliisku soo qabteen illaa 304 Dhallinyaro Qaswadeyaal ah oo Hargeysa dhexdeeda laga soo qabtay, 164 dhallinyaro ah Maxkamaddaa la geeyay, waxaana ku dhacay Ganaaxyo kala duwan, illaa 70 dhallinyaradaasi ahina waxay Gar-sugayaal ku yihiin saldhigyada Booliska ee Hargeysa.”
Afhayeenku wuxuu tilmaamay in Dhallinyarada Qaska sameeyaan la yimaaddeen Tabo cusub oo ay Dadka ku baadhaan “Dhallinyarada Qas-wadeyaasha ahi waxay keeneen Tabo cusub, waxay soo kaxaysanayaan Baabuurta Fitista ah, Dadkaa lagu boobayaa oo lagu dhacayaa, Ciidanka Boolisku in badan oo kuwaa ka mid ah Gacanta ayay ku hayaan waxayna hor-geyn doonaan Sharciga.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Boolisku iyagoo hawl-galkaa wada waxay Gacanta ku soo dhigeen illaa 100 baabuur oo Fitis iyo kuwo kaleba ah, wayna xidhan yihiin.”
Afhayeenku wuxuu sheegay in dhallinyarada xidhan ay ku jiraan 30 lagu qabtay iyagoo wata gaadiid ay Dadka ku baadhanayeen “Waxa noo xidhan illaa 30 dhallinyaro ah oo ah kuwa Madaxa xiirta oo watay Baabuurta Fitista oo bilaa Liisan ah…”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Boolisku qabteen Nin dhawaan rasaas uu ka riday Xaafadda Daami ee Hargeysa ku dhaawacay Laba Qof, sidoo kalena ku guuleysteen inay soo qabtaan Gaadhi Hal qof ku jiidhay Is-goyska Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Hargeysa, kaasi oo baxsaday markii uu Qofka jiidhay.