Abiy Ahmed Oo Sheegay In Dagaalkii Ugu Dambeeyey Lagu Qaadayaa Tigreyga, Kadib Markii Uu Dhammaaday Muddo 72 Sacadood Ee Loo Qabtay

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ayaa Sheegay In Wajigii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhan Ah  Waqooyiga Gobolka Tigreega Ay Qaadi Doonaan, Kadib Markii Uu Dhammaaday Muddo 72 Sacadood Oo Loo Qabtay.

Milatariga Itoobiya ayaa bilaabi doona wajigii ugu dambeeyay ee duullaanka ay ku qaadayaan waqooyiga gobolka Tigreega ee kacdoonka wada, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray khamiistii saacado kadib markii uu dhamaaday waqtigii loogu talagalay in ciidamada Tigreega ay isku soo dhiibaan uu dhacay.

 

“Muddadii 72-ka saac ahayd ee loo qabtay kooxdii dambiilayaasha ahayd ee TPLF inay si nabad galyo ah isu dhiibaan hada way dhamaatay, ololaheena sharci fulinta ayaa gaadhay heerkiisii ​​ugu dambeeyay,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka isaga oo raaciyay in shacabka la badbaadin doono isla markaana kumanaan dagaalyahanno ah ay mar hore is dhiibeen.

Kumanaan kun oo qof ayaa durba la rumeysan yahay inay dhinteen waxaana jira burbur baahsan oo ka imanaya duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka tan iyo markii uu dagaalku billowday Noovember 4-teedi Qiyaastii 42,000 oo qaxooti ah ayaa u qaxay xadka dalka Suudaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker