Saxafi Iyo Xildhibaan Hore oo Dilal Kala Duwan Loogu gaystay Magaalada Muqdisho..
Muqdisho:-(OWN)-Sawir qaade ka tirsanaa T-V SBS xaruntiisa magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Khaasim Imaan ayaa waxaa gallinkii danbe ee maanta toogasho ku dilay askari tirsan ciidamada dowladda degmada Waaberi.
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa siweyn u cambaareeyay dilka suxufigan oo marka laga sootago xerfada Kaamirada sidoo kale ahaa farsame yaqaan.
Agaasimaha TV uu ka tirsanaa suxufigan oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Dhaqane ayaa sheegay in uusan garaneynin sabab keeni karta dilka qof rayid ah oo aan hubeysneyn ama xitaa aan wax danbi ah ku lug laheyn, isaga oo ka dalbday dowladda Soomaaliya sharciga la horkeeno askarigii ka danbeeyay dilka.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo laamaha Amniga ay ka soo saareen warka ku saabsan askariga dilay Wariyaha.
Dhinaca kalena Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa Sheegaya in caawa fiidkii, Mid ka mid ah xildhibaannadii baarlamaankii 9-aad oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi ayaa dablay hubaysan ay ku dileen gurigiisa kadib markii ay weerar ku qaadeen.
Xildhibaanka hore ee la dilay ayaa ahaa sayiga xildhibaan Xiis Xasan oo iyadu ka tirsan baaarlamaanka 10-aad ee xilligan jira. Geerida xildhibaanka waxaa VOA Somali u sheegay xildhibaan Cali Jawhar oo ay is yaqaanaan.