Maleeshiyo Oromo ah Oo Dilay Afar Qof Oo Somali Ah Kadib Markii Ay Kala Degeen Gaadhi Ay Saarnaayeen

Maleeshiyaadka Oromada ee dagaalka kula jira Soomaalida ku nool dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay dileyn Dad Soomaali ah oo isku ehel ah.

 

Dadka Soomaalida ah ee la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay Maleeshiyaadka Oromada kala dageen Gaadhi ay saarnaayeen.

 

Sheekh Aadan Cali Baalle oo ka mid ah ehelada dadka la dilay ayaa sheegay in Afar Ruux lagala degan gaari ay sarnaayeen oo ku wajahnaa Magalada Nageyle,isla markaana dhammaan la dilay.

 

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay Maleeshiyaadkaas ka soo badbaadeen Nin iyo laba cunug uu watay,balse kuwii kale ay maqan yihin.

Waxa uu hadalkiias raaciyey in dadka la dilay ay dhammaantood ahaayeen Shacab aan waxba galabsan laguna soo wargeliyey in meel banaanka ah lagu dilay.

Xiisada u dhaxeysa Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya iyo Soomaalida ayaa waayadaan aad u sii xoogeysatay,iyada oo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu sheegay in Ciidamo la geeyo goobaha lagu dagaalamayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker