Dawladda China Oo Dhoolatus Militari Ka Bilowday Dadda Taiwan
Wasaarada Difaaca China ayaa sheegtay in maanta oo Jimce ah dhoolatus militari ka bilaabayso nawaaxiga Jasiirada Taiwan oo ay sheegato, xili Taiwan uu booqasho ku tagay mas’uul sare oo ka socda Maraykanka.
China oo u aqoonsan Taiwan jasiirad ka tirsan dhulweynaha Shiinaha ayaa dhoolatuskii labaad ee militari qabaneysa xili bilihii lasoo dhaafay Maraykanka uu sare u qaaday taageerada uu siinayo Jasiirada Taiwan oo leh maamul u gaar ah.