Wasiir Amed Muumin seed Ma yahay nin siyaasadiisu bulsha waynta Habar cafaan hogaamin karta; Qalinkii ; Maxamed Axmed Aadan

Nin wasiir ku jaha wareersan ayaan madaxwayne ku xigeen la doonanay oo aan waddani ku kala dhimanay .

Waxan aad ula yaabanahay hanka wasiir axmed muumin seed waxa uu ahaa nin u tartamay madax wayne ku xigeen waligeed taariikhda somaliland kama dhicin nin madax wayne ku xigeen u tartamay in uu han wasiir nimo dib ugu soo noqdo waayo hankiisuba waa uu ka sareeyay .
Laakiinwaxan aad ula yaabay ninka madaxwayne ku xigeen aan la doonanay ayaa buuxin kari waayay jaga wasiirnimo oo ku khal khalsan oo saxaa fada mar kasta hortaagan ,bal is barbar dhig ku samee wakhtigii uu waddani ahaa hadaladiisii markii uu waddani u ahadlayay waxa uu ahaa nin dhiiran oo kalsooni ka muuqato. Hada bal u fiirso waxa uu shaashada soo fadhiisanayaa isaga oo kalsooni daro badani ka muuqato oo qadh qadhaya dhibaatadu halkayka haysataa waxad dareemasaa in aanu buuxin karin jagadaasi oo ay ka awood badan tahay .
Hadaba nin kan waxa ka mid ah dhaqa madiisa ama dabeecadihiisa waa waa burburiye wax uu n buu bur buriyaa laakiin ni waxdhis a ma ah hadaan dib ugu yara noqdo taariikhdiisa bur burka.
Waxa uu qayb libaax leh kasoo qaa tay bur burkii xisbigii ucid waxanu la saftay markii uu labada garab u kala jabay garabkii uu hogaaminayay C/raxmaan ciro isaga oo markaa ahaa guddomiyihii xisbiga ucid ee g/awdal dabadeedna raacay garabkii ciro ee markii danbe isu badalay xisbiga waddani.
Xisbigii waddani wixii uu ku sameeyay ee iasaga oo heshiis cad la galay in uu iskaga tanaasulo musharaxa madaxwayne ku xigeenka sidii uu u khiyaamay ee u galay cid kasta oo somali land ka tirsani way og tahay waxa cadayn kuugu filan lacagtii uu kaqaatay kulmiye markii uu xisbiga waddani khiyaamada u dhigayay waaka guriga uu hada galo kaga iibsaday magaalada hargaysa .
Hada waxa uu wadaa qorshihii uu is kaga hor keeni lahaa beelaha habar cafaan isaga oo u kala qaybiyay laba qaybood labadaa qaybood oo kala ah.
Lix beelood oo subeer ah markasta uu la galo shir doceedyo hoose oo uu ku dhiiri galiyo in ay is ka bahaystaan lixda beelood ee kale oo uu ku sheego in ay yihiin cadawgooda koobaad dhamaan ku raasta beelaha habarcafaan ay ku leeyiniin dawlada kulmiyme waxa uu u gacan galiyay lixdaa beelood .
Lixda kale waa lixda uu ula dhaqmayo sidii cadawga dagaal adagna waa uu kula jiraa arimahaa uu ku kacayaana waxa ay ku keeneen iasaga in uu habeen u hoyan kari waayo magaalada borama hadii uu tagana uu si dhuumasho ah uu ku tago dhuumashana uu kaga soo noqdo.
Haddii uu iska gaadhiwaayo madax wayne muuse biixi waa uu eedi doonaa sidii uu ku wii hore u fashiliyay si kadaran ayuu u fashilindoonaa hadadan aan joognaba wax taageero ah kuma laha xisbiga kulmiye gobolka Awdal.

 

 

Qalinkii ; Maxamed Axmed Aadan

ahmedcabdi10@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker