Dhegayso: Fatahaadda ka jirta Gobolka Shabeelaha Hoose oo kasii dareysa
Afgooye — Khasaaraha daadadka ay u gaysanayaan hantida sida beeraha iyo guryaha ayaa weli sii kordhaysa degaanno ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose, waxaana weli kor usii kacaya heerka biyaha.
Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay gurmad degdeg ah in loo fidiyo dadka ay saameeyeen daadadka, oo meelaha ay saameeyeen ay ku jirto degmada Afgooye ee ku dhow magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo deegaan Doorashadiisu tahay dagmada Afgooye, ayaa ka digay in fataahaddan ay horseedi karto inay kala go’aanka magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho.
Waraysigyo Ku Saabsan Xaalada Afgooye Halkan Hoose ka Dhegayso: