Dowlada Wadanka UK oo la sheegay in ay caruurta u adeegsato Basaasnimo.

 

Laamaha Sirdoonka iyo Police-ka UK ayaa u adeegsada caruurta hab jaajuusnimo ah,howlgalada ka dhanka ah kooxaha Argagixisada falalka budhcad nimada iyo la dagaalanka kooxaha ka baayac mushtara daroogada sida ay sheegeen barlamaanka dalkaasi.

Caruurta ay laamaha sirta u adeegsadan Jaajuusnimada ayaa waxay ka yar yihiin da’da 16 sano jir sida lagu sheegay warbixin todobaadkii hore laga soo saaray aqalka barlamaanka Uk.

Dowlada Ingariiska ayaa looga digay in ay sii wado qorshahan ay laamaha fulinta ugu ogolaatay in ay caruurta ay si xor ah u isticmaalaan.

Warbixinta ay soo saareen xubnaha barlamaanka ayaa walaac xoogan logaga muujiyay talabadan in caruurta loo isticmaalo la dagalaanka falal danbiyeed yada ka dhaca gudaha dalkaas.

David Trefgarne oo ka mid ah xubnaha ugu waqtiga dheer barlamaanka ayaa sheegay in ay talaabadan ay maskax ahaan iyo jidh ahaan ba dhaawac ay ku tahay Caruurta.

Xildhibaanka ayaa sheegay in caruurta kaliya aan loo isticmaalin howlgalada Police-ka balse loo adeegsado in ay xog u aruuriyaan laamaha sirta wadanka Uk.

Balse xubnaha barlamaanka ayaa qeexin tirada caruurta ka yar da’da 16 Jir ah ee ciidamada police-ka iyo sirdoonka uk ay u adeegsadaan basaasnimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker