Deg deg: Kulan Dhexmaray Madaxwayne Muuse iyo Siyaasi Buubaa?
Hargaysa:- (OWN) Qoraalkooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee aqalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu Kulan Gaar ah kula Qaatay qasriga Madaxtooyada Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo salaasa ah taariikhduna tahay, 10-07-2018 kulan gaar ah la qaatay siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, xubinna ka ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
kulankaasi ayaa kusoo dhammaaday is afgarad, waxaana ay madaxweynaha iyo siyaasigu isla qaateen inay si joogto ah uga wadashaqeeyaan danta guud iyo horumarka qaranka. hasayeeshee Faahfaahin intaa dheer kama aanay bixin Madaxtooyadu waxa uu daarnaa kulankan dhexmaray Madaxwaynaha iyo Siyaasi Buubaa, Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ka mid ahaa Musdanbeedkii qabashada Shirkii Gacan-libaax


