Cabasho Xoogan Oo Oodweyne News Soo Gaadhay Kadib Markii Uu Abdi-shotaly Sheegtay Inuu Ka Mid Yahay Masuuliyiinta Shabakadda
Bahda Oodweyne News gaar ahaan hawl-wadeenada Oodweynenews meel kasta ay kala joogaanba waxaan halkan ku cadaynaynaa in Cabdiraxmaan Jaamac Axmed (Abdi-shotaly) aanuu wax shaqo-ah ama masuuliyad uu ka hayo shabakaddan Oodweynenews aanay jirin.
Waxaa Oodweynenews todobaadkan soo gaadhay Cabashooyin badan oo ku saabsan abdi-shotaly isagoo baraha bulshada ay ku kulmaan ku sheegtay inuu yahay masuulyiinta Oodweyne news, arintaas oo dad badan ka yaabisay naguna kaliftay inaan halkan ku shaacino inaanuu ka tirsanayn haw-wadeenada Shabakadda Oodweynenews.
Cabdiraxmaan Jaamac Axmed (Abdi-shotaly)
Abdi-shotaly kahor 2015 wuxuu ka mid ahaa dadka aragtidooda kusoo gudbiya Oodweyne news waxaanan maqaaladiisa inaan daabacno joojinay kadib markii ay cabasho fara badan nagasoo gaadhay dad badan uu ku aflagaadeeyey maqaaladiisii wakhtigaas 2015 .
Waxaana ka raali-gelinaynaa cid kasta oo dhibsatay sheegashada Abdi-shotaly uu sheegtay inuu masuul ka yahay Shabakadda Oodweynenews ee faca weyn ee wakhtiga badan rag badani geliyeen lagasoo bilaabo 2007 ilaa wakhtigan 2018, waxaana u mahadnaqaynaa cid kasta oo wakhti-gelisay mareegtan Oodweynenews intii ay jirtay surto-galna ka dhigay in sidii loogu talagalay u shaqayso .
Mahasanidin
Maamulka Oodweynenews
Hargeysa Office