Xukuumada Cusub ee Dalka Suudaan Oo Horyaal Kubada Cagta Ah U Qabatay Haweenka
Taariikhda markii ugu horaysay waxa dalka Sudan laga bilaabay tartan horyaal ah oo dhinaca kubada cagta ah oo ay dumarku ciyaarayaan, waxana tartankan oo bilaabmay maalintii shalay ahayd garoonka kubada cagta ee Khartoum Stadium ,oo ay ciyaartaasi ka Soxotay, Waxaana soo buux dhaafiyay taageerayaal ku dhawaaqayay hadalo ay ku taageerayaan xukunka rayidka ah ee dalkaas ka hana qaaday.
In la qabto kulan noocan oo kale oo u ogolaanaya haweenka inay kubada cagta meel fagaare ah ku Cayaaraan ayaa ahayd wax aan lagu fikiri Karin intii uu xukunka ahayay Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir oo shareecada islaamka ku soo rogay dalkaas markii uu qabsaday sanadkii 1983.
Mervat Hussein, oo ah madaxa qaybta haweenka ee xidhiidhka kubbadda cagta Suudaan, oo ka qeybgashay ciyaartaas furitaanka ahayd ee qabsooontay isniintii ayaa ku tilmaantay labaadadaas fursad dahabi ah.
“Ciyaartoy badan ayaa sugayay fursadan oo kale, way rumowday waana fursan dahabi ah oo ku soo dhamaatay in ciyaartii kubada cagta ee Haweenku ay qabsoontay lana ciyaarayo ayay tidhi.