Maraykanka oo baadhaya geerida dad ka soo dhacay diyaarad Milatari magaalada Kabul

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay baadhayso dhimashada dad rayid ah oo u dhashay wadanka Afghanistan kuwaasoo ka soo dhacay diyaarad milatari ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Askarta Mareykanka ayaa mas’uul ka ah sugidda amniga garoonka si ay gacan uga geystaan daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee ka socda wadamo dhowr ah, iyo sidoo kale rayidka kale ee doonaya inay baxaan kadib markii xoogagga Taaliban ay Axadii lasoo dhaafay la wareegeen inta badan xarumihii ku yaalay caasimadda.

Muuqaalo ay baahiyeen warbaahinta Afgaanistaan Isniintii la soo dhaafay ayaa muujinayay muwaadiniin rogrogaya meydadka dad ka soo dhacay guryo ka dib markii ay ku dhegeen taayirada diyaarad ka duushay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Afghanistan ee Kabul.

Dad u dhashay Afghanistan ayaa ku dhintey kuwo kalana waa ay ku dhaawacmeen fowdo iyo isbuurasho ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul subaxnimadii Isniinta taas waxana ciidamada Mareykanka ay rasaas kor ugu rideen dad badan oo reer Afgaanistaan ah oo soo buux dhaafiyay dhabaha diyaaradaha ku ordaan ee garoonka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker