Hambalyo & Bogaadin Shirkii G/Libaax ee Beelaha Garxajis Qodobadii Somaliand oo Mid noqota ay ka soo baxeen & Beelihii Lagu Martiqaadey ee ku taageeray, Guul, Guul.

Shirkii Buurta G/Libaax ee Beelaha arxajis, hortaa Guul & Hambalyo ayaanu u
soo diraynaa, Qodobada dhaxal galka ah ee ka soo baxay, ee ah In dib loogu
noqdo wixii lawada samaystey oo Reero gaari iska yeesheen, waa Guul.
Shirkaasi wuxuu ahaa in Somaliland oo lawada lahaa, ay wadadii ka leexiyeen
Reero gaara ah oo Magacyo uula baxay isbahaysi keligood ah oo Jeegaan Laba
Reer oo H/Awal & H/Jeclo, oo sidii Boqortooyo Gacmaha isu saarey ama Hagb-
ad aniguna waan qaatey adna markayga i sii, oo Dadkii Somaliland wada lahaa
ay ku noqatey Anfariir & Af kala qaad Odayada & Siyaasiinta labadaa Reer ee
isa siiyey wixii S/Land ka dhaxeeyey, Dastuurkii & sharcigii lagu heshiiyey ee
oo ay ku andacoodeen Jeegaan & Laba Reer, oo kolna Siilaanyo ayaanu saarn-
ey Imikana Muuse nala dhisa, oo sidii Xoog, Ciidan & Xukuumadba ugu boobe-
en Doorashadii Shacabka Xalaasha codkooda oo Muuse Kursigii ku saareen.
Hadaba, Reeraha S/Land intaa wey samrayeen, wey eegayeen Labada Reer
Laakiin waxay Siilaanyo & Muuse isu qaateen inaan cidi ka hadli karin, ka dam-
qan karin, Beelaha Harti, Ayuub, Garxajis, Samaroon, Gabooye, Sheekhaal &
Arab & Kuwa kalaba inay daawadayaal ka ahaadaan, ugu sacab tumaan, weliba
uugu heesaan, Nabad, Nabad aynu ilaalino.
Sidaas Darteed, Shirkaa Garxajis ee Buurta Gacalibaax Qodobada ka soo baxay
hambalyo, hambalyo & bogaadin & inay halkaa ka sii wadaan & iyaga & beelihii lagu casuumey ee taageeray qodobada, oo aanay ka hadhin ee S/Land
lagu soo celiyo dariiqii wax wada lahaanshaha oo ay meesha ka baxdo in Reero
gaari ahi iska yeeshaan, weliba ku faanaan isxulufeysi & Jeegaan Laba Reer.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker