Caruuskii, Caruusaddii iyo Labadii malxiis Oo Ku Sumoobeen Caano Ay Cabeen.

Sanaag(OWN)- Qoys aroos ah ayaa deegaanka Xingalool ka tirsan gobolka Sanaag ayaa  ku sumoobeen caano ay cabeen.

 

Caruuskii, Caruusaddii iyo Labadii malxiis ayaa ka mid ahaa 17 kale oo ku sumoobay caanahay ay cabeen waxaana ay hadda yaallaan dhammaaantoos cisbihtaalka magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag.

 

Waxaana la sheegayaa in 21 qof  ay  hadda jiifaaan  cisbitaalka magaaladan iyadoo xaaladooda caafimaad lagu dedaalayo.

 

Dr Cabdirisaaq Cabdullahi Japan oo aan La hadlay Warbaahinta ayaa  sheegay in baaadhitaan ay sameeyeen ay Ku ogaadeen in caanaha oo laga lisey Riyo La talaalay ay keentay suntan wuxuuna xusey in marka xoolaha la talaalo aan la isticmaali karin Cadkooda iyo caanahooda Ilaa 45 Cisho.

 

“Bukaannada ayaa aad u Shubmaya, Matagaya , Qaarkoodna waxay kujiraan Kooma” ayuu yidhi Dr. Japan.

 

Dhakhaatiirta Magaalada ayaa soo jeediyey in aan Xingalool iyo Miyigeedaba laga isticmaalin Caano muddo 3 maalmood ah .

 

Laba Todobaad ka hor ayaa la talaalay xoolaha gobolka Sanaag siiba Ariga iyadoo caanaha xoolaha ama hilibkiisa la isticmaalin 45 cisho talaalka kadib.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker