Muuse Biixi Siyaasad Xumo
Muuse Biixi Inuu Siyaasaddii Ku Fashilmey Waxa U Markhaati ah Maalin Walba Wuxu Hadalhayaa Puntland iyo Soomaaliya
Waxa ay dad badani ka filayeen in uu abaaro Siyaasad Cusub oo ku oo Geediga hore uga ambaqaada halkii markii la taagnaa, oo Xoojisa Dawladnimadda iyo Magaca Somaliland islamarkaana, qadar yar oo kamid ah iidhadii Xayeysiiskii iyo Beentii iyo Borobogaandadii lagu buun buuniyey Xiligii ololaha laakiin taasi Waxey noqotey mid Gidaarkeeda lasoo Taabtey oo aaney habayaraatee, wax ka jirin wixii hadal iyo huuhaa ahaa iyo Wixii halku dhegyo Boodhadhka Waaweyn ee aaney Xisbiyadda kale haysanin gidaar Walba lagu dhajiyey, mana jirto Rajo ku laaban oo kasoo Socota nooc kasta oo ay tahey.
Guud ahaanba Shacbiga Somaliland Bari iyo Galbeedba guddo iyo Dibadba Waa mid laga Siman yahey in lawada arkey Siyaasad Xumo iyo indho-La,aan albaabada usoo Xidhey rajadii la ulanayey ee Mustaqbalka Dalkan iyo dadkan Siyaasadii Arimaha Dibadda ayaa albaabada soo Xidhatey, Siyaasad Cago damdamleyn ah oo aan Geedna haysan ayaa habeen Walba taagan Waxeynu wada ognahey in Madaxweynihii talada dalkan loo Dhaariyey in uu habeen iyo maalin Shacabka lasoo hor taagan yahey Puntland iyo Soomaaliya, taas oo Meesha ka saartey in Barnaamij Siyaasadeed oo cusub uu la yimaado laakiin ay talo kaga soo gudhey maag iyo hadal Xumaan sii kala qeybinaya Shacabka Somaliland oo aan midha dhal aheyn.
Arimaha Somaaliland oo dhami sida aadka ah u hadalheyso labadii habeen ee ugu dambeeyay waxa hordhac u ah tan u dambeysay ee hadalkiisii 26 juun Xafladii Madaxtooyadda ee uu kusoo hadal qaadey Shirkii Gacanlibaax Wuxuu is adkeeyaba Wuxu yidhi 4 qodob ayaa kasoo bixi doona maxaa isaga uga Caba tirada qodobada laga soo saarayo ma ninkaasaa lagu aamini karaa talada dalka isagaa alabaabka dusha iga soo xidhayee ‘Afxumo Nabedna wey kaa fogeysaa Colaadna Wax kaagama tarto’ waxa ay taasi cadeyneysaa inaanu marnaba Siyaasi aheyn mana jiro hadal Diblamaasiyadeed oo kasoo baxey tan iyo intii uu Xilka la Wareegay hadii maanta Buuga iyo qalinka loo qaato hadalada dhac dhaca ah ee habeen iyo maalin kasoo burqanaya lama soo koobi karo, Waxaas oo dhan waxaa u dheer gacan togaaleynta iyo Xinjirifajaaska joogtada u Noqdey Siyaasad Xumada uu Waajahey.
Isku soo ururi Waxa ay taladu ku dhan tahey halkee laga soo qaban Geedi Socodka Furtey ee majara habaabiyey Siyaasadii Somaliland iyo Sumcadii ay ku laheyd Beesha Caalamka dalalka Dariska iyo Mandaqadaba taasi majirto oo waa quus waxa kale oo isweydiin leh Goormaa laga baxayaa Siyaasadan Cago Damdamleynta ah iyo Fashilaadan joogtada noqotey Waxa isweydiin Leh Muuse Biixi Goormuu badelayaa Hadalkan uu kusoo koobey Puntland iyo Soomaaliya ee uu Shacabka ku majara habaabinayo markii uu taladii ku fashilmey, Geela Duqdiisii Durdurisey aarankiisa maxaad u maleyn Waxaan la yaabanahey kuwa maanta Siyaasad Xumaddaa ku Difaacaya iyo kuwa rajo ka Sugaya ninkaa aynu aragno halkuu Wax ka bilaabey iyo Sida uu Wax u waddo makula tahey in uu Sidii Xabxabka maalintii alle keenaba xaga dambe ka Xumaado mooyee in uu isbadel sameeyo Xaasha,e Waxa ay indho arkayaan ayey ilko Gooyaane ogaada in Mustaqbalkii Somaliland God madaw kusii Socdo.
C/raxmaan Nuux
hiiraan2007@gmail.com