” Siciid Deni iyo Axmed Madoobe Waa mushkiladaha haysata Soomaaliya .” Sheekh Umal
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ( Sheekh Umal) oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Kenya, ayaa farriin adag u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.
Sheekh Umal ayaa muuqaal waxa ku sheegay in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ay qayb ka yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya, gaar ahaanna xasaradda siyaasadeed ee ka jirta dalka.
Wuxu sheegay in labadaas mas’uul ay shuruudo badan hor-dhigeen shirar kala duwan, oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka aloosan Arrimaha doorashada, si heshiis dhammaystiran looga gaadho murankaas.
Sidoo kale, wuxu xusay in uu jiro tuhun la xidhiidha in labada madaxweyne ay ku xidhan yihiin dalal shisheeye oo aan wax dan ah u hayn Soomaaliya, inkastoo uu ka afeeftay in isagu uusan xaqiijin Karin tuhunkaas.
https://www.youtube.com/watch?v=EOf6UysreIU