Weftigii Nabadeynta Colaadda Ceel-afweyn Ee Madaxweyne Biixi Ku Dhawaaqay Oo Dib U Dhac Ku Yimi

Guddidii nabaydeynta iyo deminta colaada riiq-da dheeraatay ee Degmada Ceel-afweyn loo dirayey, ayaa la sheegay inuu dib u dhac ku yimi, waxaanu markii hore qorshuhu uu ahaa kowda bishan 1 juulay oo maanta ku beegan inay ka boqolaan Magaalada Hargeysa, balse waxa la sheegay in xukuumaddu ay xalay ku wergelisay ergadaas inay iska joogaan.

Weftigan Nabadeyn colaad Ceel-afweyn loo soo xulay, ayaa waxa kamid ah culimo awdiin uu hormoody u yahay Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Siyaasiyiin , aqoon-yahan, wax-garad iyo Madax-dhaqameed, kuwaas oo miisaan culus ku leh dalka Somaliland, isla markaana kalsooni badan lagu qabo oo la filayo inay damin karaan colaada sokeeye ee Ceel-afweyn.

Dhanka kale Illa wareed-yo xog-ogaal ah, ayaa sheegay in ergada hawsha nabadaynta ah ugu baxaysay Ceel-afweyn ay diyaarsadeen agabkoodii, iyagoo xidh-xidhayna shandadahoogii, kuwaas oo u diyaar garoobay arrinkaa khayriga ah ee lagu joojinayo colaada sokeeye iyo dhiiga dadka walaalaha muslimiinta ah ee bilaashka ku daadanaya, hase-yeeshee ay xukuumaddu xalay fiidkii mid-mid ugu wergeylisey in la negaaday maanta, iyadoo u sheegtay inay dib uga soo sheegidoonta wakhtiga rasmiga ah ee loo baxayo nabadayna Ceel-afweyn.

Geesta Kale Madaxweyne Somaliland oo 26 juun xaflad ka dhacday qasriga Madaxtooyadda oo loogu dabaal-degayey maalintii ay Somaliland xorriyadeedii ka qaadatay gumaystihii ingiriiska , ayaa khudbad uu ka jeediyey ku sheegay in weftiga nabaydan ah ay ceel-afweyn u baxayaan 1 bishan Juulay oo maanta ah ku beegan, isagaoo sheegay in muddo todoba cisho ah lagu maqnaanayo hawshaasi nabadtan ceel-afweyn.

Ma jirro war amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland, balse waxa loo malaynayaa in sababta loo joojiyey weftiga nabadaynta Ceel-afweyn ay la xidhiidho , iska hor imaad xalay ku dhexmaray Ceel-afweyn Ciidanka qaranka iyo maleeshiyo beleed kamid labada beelood ee ku dagaalamay deegaankaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker