Wasiirka Caafimaadka Dawlada Ingiriiska oo uu ku dhacay Xanuunka Coronovirus

Dalka Talyaaniga waxaa Talaadadi laga diiwaangeliyay Tiradii ugu badneyd ee ugu dhimatay Cudurka Coronavirus, halka magaalada New York ee dalka Mareykanka la geeyay Ciidanka ilaalada Qaranka si loo xakameeyo faafista cudurkaan oo Argagax ku abuuray dhamaan caalamka.

 

Dalka ugu daran dhanka Yurub ee uu Xanuunkan haleelay ayaa ah Talyaaniga, Talaadadii dhimashada ayaa gaadhay guud ahaan Waddanka Talyaaniga  ilaa iyo 631 qof. Waxaa la joojiyay dhamaan isu imaadyadi isboortiga, dhaqanka iyo Siyaasadda.

 

Dalkana  Ingiriiska Wasiirka  Caafimaadka  oo ah  haweeneyda la yidhaahdo Nadine Dorries ayaa sheegtay inuu Cudurka Coronovirus ku dhacay, isla markaana ay isku karantiimaysay Hoygeeda.Magaalada New York ee dalkan Mareykanka ilaa iyo 173 kiis ayaa la xaqiijiyay. Guud ahaan Mareykanka ku dhawaad kun qof ayaa la soo wariyay inuu cudurka ku dhacay.

 

 

Dalka Shinaha ayaa wali ah dalka ugu daran ee uu Xanuunku Aafeeyay. Waxaa ilaa iyo hadda U dhintay dalkaasi in ka badan 3 kun oo qof halka uu soo riday dad gaadhaya 80 kun oo qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker