MAANSO : METEL FAQASH
Maansada la yidhaaย ย METEL FAQASH
Musuq iyo haddii uu dulmigu
Mooska soo jebiyo
Muran iyo haddii boobka iyo
Dhacu maqaam gaadho
Ku muquuni xoog iyo haddii
Muuji qori ay tay
Miye iyo magaalaba haddii
Ay ku macaluusho
Maandeeq haddii ay in yari
Mirato xoorkeeda
.
Metel faqash hadii aynu nahay
Maamul iyo xaajo
Qabyaaladi hadday mush ka tahay
Marinadii dheefta
Midhsooc lagu gurtiyo qabiil
Lagu macaashaayo
Ka midiidin aan noqon karayn
Mooska laga tuuro
Maggeyniyo dabeed ay wax garad
Murugo soo gaadho
.
Mid su,aali waa taa haddaba
Miiska ku hortaale
Mawdka iyo maxaad weerar-kii
Ugu madoobaatay
Mirta dhexiyo guuraa maaxaa
Maati loo qaxiyay
Maxaa maxamed ugu hiiliyee ( maxamed cali )
Ceeshba uga maarmay
Boqolaal kun iil lagu masaxay
Mudana yaashiiya
In baaqigu midnima gaadha,oo
Xaqu macaanaado
.
Midig tooda lagu ciil baxaa
Moora loo rogaye
Madrasadi haddii tii kacaan
Inagu meermeerto
Waa masiibo qaranoo (ALLUUN )
Naga mulaax shaaye
Malaayiin intoodii lunsada
Yaa umagac weyne
masbax iyo dabbaal baa guryaha
lagu mushaaxaa-ye
Geesna miridhka daasado ahiyo
Waa bacdaa madhane
.
Waa miskiin dawaraย ย quuta iyo
Malab durduur-taaye
Waa muuqa laga wada naxaa
Meeris-kay socone
Haddaan midigta koodii unaxa
MAWLA ) ugu dhiibin
Miiratadan isdaba rooraysana
Meesha laga tuurin
Dhac ku mame muraad qudha watiyo
Madhiye loo diidin
Inay nabadu meeshaba ka bixi
Maluhu weeyaane .
Mahadna (ALLAA ) iskale
Maxamuud cismaanย ย ( moholin )