Kulanka Madaxwaynayasha Maraykanka iyo Ruushka oo ka dhacaya magaalada Helsinki
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa kulankoodii ugu horreeyey oo rasmi ah waxa ay 16-ka July ku yeelan doonan magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Xaqiijinta kulanka oo ay sameeyeen labada dhinac ayaa yimid maalin kadib markii la-taliyaha amniga qaranka Trump John Bolton uu la kulmay saraakiil sare oo Russian ah oo uu Putin ku jiro, si loogu gogol xaaro kulanka.
โMadaxweyne Trump ayaa I weydiistay inaan imaado oo aan masโuuliyiinta Ruushka kala hadlo kulanka labada madaxweyneโ ayuu yiri Bolton oo weriyayaasha kula hadlay Moscow.
โWaxaa jira waxyaabo badan oo Trump iyo Putin ay si wada-jir ah xal ugu heli karaan, inkasta oo ay jiraan arrimo ay isku khilaafsan yihiinโ ayuu yiri Bolton.
Kulanka ayaa ay xaqiiq tahay inuu sare usii qaadi doono isha sida goonida ah loogu hayo xiriirka Aqalka Cad uu la leeyahay dowladda Ruushka, ayada oo uu socdo baaritaan lagu hayo xiriir dhex maray ololihii doorashada Trump iyo saraakiil xiriir la leh Kremlin-ka
XIGASHO (VOA)